Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu
hogaaminayo oo maalmahan socdaal Shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa soo
gebagebeeyey socdaalkaasi, iyadoo Wafdiga Madaxweynaha ay shaaciyeen in
ujeedadii socdaalka loo gaaray si dhameystiran.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo booqasho Sadex cisho qaadatay ku Joogay Kenya
ayaa saaka ka ambabaxay Nairobi, iyagoo gaaray Magaalada Kambala ee dalka
Ugandha.
Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/llaahi Ciilmooge Oo
ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada Booqashadii madaxweynaha
ee Kenya lagu guuleeystay Boqolkiiba Boqol.
Muddadii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud joogay Kenya ayaa Waxaa uu la
kulmay madaxweynaha dalkaasi, Safiirada qaar ka mid ah Wadamada caalamka u jooga
Nairobi iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Nool dalkaasi. Waana safarkii ugu
horeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Kenya tan iyo markii loo
doortay xilka madaxweynaha J.F.Soomaaliya.