Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo xalay lagu dilay Garowe
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda hoose ee magaalada Garowe, lagumana magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen ayaa habeenimadii xalay lagu dilay bartamaha magaaladaasi, ayadoo dilkiisuna uu geystay nin ku hubeysnaa bastoolad oo markuu dilka geystay kaddibna goobtii ka baxsaday.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ilaa iyo haatan wada baaritaanno lagu raadinayo gacan ku-dhiiglihii dilka geystay oo la rumeysan yahay inuu weli ku dhuumaaleysanayo qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.
Magaalada Garowe o ah xarunta Maamul-goboleedka Puntland ayaa inta badan ahayd goob deggan, hase ahaatee ay mararka qaar ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo kuwo ku saleysan aano shaqsi ah.
Add New Comment
|
|
|