Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka xukuumada
Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo saraakiisha sar-sare ee ciidamada ammaanka ayaa xalay kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ku soo kala bixiyey Isgoysyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Wartanabada.
Saraakiisha wasiirka ku wehelisay kormeerkiisa ayaa waxa ka mid ahaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhunaa Maye iyo taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Gobolka Banaadir Mr. Khaliif Axmed Ereg.
Kormeerkaas shaqo kaddib ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha oo warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in howlgallada ay ciidamada ammaanku ka wadaan magaalada Muqdisho ay sii socon doonaan, kormeerka ay madaxdu ugu kuurgaleysana uu noqon doono mid joogto ah, si loo sugo ammaanka caasimadda.
Waa kormeerki ugu horeeyay oo uu wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka
ku tago qaar ka mid ah degmooyinka gobalka xilli habeen ah tan iyo marki uu la
wareegay xilka wasaaradaasi.