Dowladda KMG ah ee soomaaliya oo soo dhaweysay go'aankii golaha ammaanka ee Qaraamda midoobay


 
Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa go’aan ku gaaray  in tirada ciidammada ku sugan Soomaaliya lagu kordhiyo 4,000 askari oo dheeraad ah si loo gaarsiiyo 12000 Askari, waxaa  Sidoo kale 30-ka September 2011 la gaarsiiyay muddadii howlgalka ciidamadaasi.

Wasaarada arimaha dibada xukuumada KMG Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay waqtiga ugu kordhiyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayna weydiisteen in si dhaqsa badan loo fuliyo go'aankaasi, sidoo kale Dowladda wadanka Yuganda ayaa  ku tilmaamay go’aanka golaha amaanka ee Qaramada midoobay ay ku kordhiyaan tirada Ciidamada AMISOM iyo Waqtiga ciidamada ay joogayaan Magaalada Muqdisho  mid muhim u ah  ammaan shacabka Soomaaliyeed.

 Durbadiiba Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay markii ay go'aamiyeen in la kordhiyo ciidamada AMISOM , xukuumada Uganda waxay ku dhawaaqday inay ciidammada AMISOM ku xoojinayso 1,800-askari oo dheeraad ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka DKMG ah, ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar wuxuu warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay filanaysay in tirada ciidammada AMISOM la gaarsiinayo ilaa 20,000-askari, wuxuu ku sheegay kordhinta 4ta kun ee Askari in ayan ku filnayn howsha adag ee looga baahan yahay inay fuliyaan ciidamaasi.

Wasiirka waxa uu Golaha Ammaanka ka codsaday in la sheego dalalka ciidammadaas dheeraad ah ay ka imaanayaan inay yihiin kuwii horay Soomaaliya ku yahoobay ciidamada hadda joogga iyo inay dalal kale yihiin.

Sida lawada ogyahay waxaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni dhowr jeer ku celceliyay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu 20,000 oo askari u diro Soomaaliya, balse loo baahan yahay dhaqaalaha iyo qalabka ciidammadaas ay ku howlgeli lahaayeen.

Hadalkani ayaa waxa uu yimid xilli ay midoobeen labada urur ee AL-Shabaab Al Mujaahiddin iyo Xisbul Islaam kuwaasoo markoodii hore uu mid waliba u madaxbannaan ciidamadiisa  la dagaalanka DKMG ah ee Soomaaliya, haatanse waxay noqonaysaa inay si middeysan ciidamadooda ay dagaal saf balaaran oo hoggaan mideysan leh ay ugu soo qaadaan  Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ay kaga sugan yihin magaalada Muqdisho

Add New Comment