Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta xariga ka jaray xarunta Dad-dhigista
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa maanta xariga ka jaray Xafiiska Dad-dhigista, kaasoo diiwaan-gelin doona muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana siin doona waraaqaha aqoonsiga (ID card).
Mudane Tarzan oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in qofkii muwaadin ah ee doonaya in uu helo waraaqaha aqoonsiga looga baahan yahay in uu buuxiyo foom, bixiyana lacag dhan 15 dollar, taasoo markaa kaddibna macluumaadka qof kasta lagu keydin doono aaladda computerka.
Tallaabadan uu ku tallaabsaday maamulka gobolka Banaadir ayaa meesha ka saari doonta waraaqihii been abuurka ahaa ee lagu sameyn jiray suuqyada magaalooyinka dalka iyo weliba dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa asagana dhankiisa maalinimadii shalay ummadda Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay qaataan waraaqaha aqoonsiga muwaadinnimo iyo weliba baasaboorka cusub ee dalka.
Add New Comment
|
|
|