Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda oo sheegay in xisbigiisu yahay xisbi mucaarad ah
Guddoomiyaha Xisbiga nabadda Soomaaliyeed (SPA) Cabdullahi Shiikh Xasan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in xisbiga SPA uu yahay xisbi mucaarad ah oo aan hubeysnayn oo xaq u leh inay tilmaamaan qaladaadka dowlada ka dhacaya.
Cabdullahi Shiikh Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu ugaga hadlay arrimo badan oo ah sida xisbigiisu uu arko siyaasada dalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga,arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda.
War saxaafadeed qoraal ah oo loo qeybiyay suxifiyiinta kahor shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan kala hadlin arrimaha Jubooyinka madaxda dalka Kenya iyo dhibaatooyinka ay ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada ay u safrayaan dalka Kenya oo lagu baaro magaalada Wajeer.
“Waa wax wanaagsan in qaxootiga dalkooda lagu soo celiyo hase ahaatee kuwii halkan ku barakacsanaa ayaa gaajo heysaa oo lagu fashilan yahay in dib u dejin loo sameeyo, kuwa Kenya laga soo celineyso maxaa qorshe ah oo ay heysaa dowladu” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Nabadda Soomaaliyeed C/llaahi Shiikh Xasan.
Sidoo kale shirkiisa jaraa’id ayuu dhaleeceyn ugu soo jeediyay guddoomiyaha xisbiga nabadda qaabka loo dhisey golaha wasiirada isagoo sheegay inaysan waxba ka duwanayn wasiiradii hore ee dalka soo maray.
Guddoomiyaha xisbiga Nabadda ayaa waxa uu ka digey in guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka lagu bedelo qof ka tirsan xisbiga uu hore uu guddoomiyaha uga ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale waxa uu guddoomiyaha xisbiga nabada ugaga hadlay arrimaha amniga isagoo ku tilmaamay xaalada amaan ee ka jirta dalka Soomaaliya haatan ay tahay mid aad u liidata isagoo tusaale u soo qaatay madaafiic uu sheegay in lagu gaaraacay xarunta madaxtooyada dalka Soomaaliya,
Add New Comment
|
|
|