Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2011

Xubnaha Golaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya  kulan ay kaga doodi doonaan  miisaaniyadda sanadka 2011-ka ee Dowladda Soomaaliya ooay kol hore barlamaanka Soomaaliya u soo gudbiyeen Golaha Wasiirrada.

Xildhibaan Cumar Islow oo xubin ka ah xoghayeyaasha Barlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada loo qaybin doono nuqullo qoraal ah oo ay ku caddahay miisaaniyadda Dowladda, kaddib markii ay horey u soo eegeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda Barlamaanka.

Kulanka ay maanta isugu imanayaan xubnaha Barlamaanka ayaa ah kii ugu horreeyey ee laysugu yimaado tan iyo markii uu Barlamaanku codka kalsoonida siiyey xukuumadda uu ra'iisul wasaaraha ka yahay mudan Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Miisaaniyadda Dowladda ee uu maanta ka doodayo Balamaanka ayaa waxa ay dhan tahay 100 milyan oo dollarka Mareykanka ah, waxaana miisaaniyaddan horey isugu soo raacay xubnaha Golaha Wasiirrada, waxaana doodda maanta shir-guddoomin doona guddoomiyaha Brlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Add New Comment