Nicholas Kay Oo Soo Dhaweeyay Ansixinta R/wasaaraha Cusub


Ergeyga gaarka ah Xoghayaha guud ee  Qaramada Midooay Nicholas Kay ayaa R/wasaaraha cusub Dr C/weli Sheekh Axmed Maxamed ugu hambalyeeyay codka kalsoonida ah ee uu ka helay baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in uu guul gaaro.

“Waxaan u hambalyeynayaa R/wasaaraha dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed waxa uu la wareegayaa xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo qaadaya talaabooyin 2014ka oo ah dhanka horumarka, nabadda iyo barwaaqada, Xafiska Qaramada Midoobay ee UNSOM waxa uu wadi doonaa in uu taageero dowlada Federaalka ah, waxaana uu ka taageeri doonaa dhanka nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo dowladda” ayuu Mr kay hadalkiisa raaciyay

Mr Nicholas Kay ayaa ku ammaanay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” in uu ka dhabeeyay balanqaadyadiisa ku aadanaa dhanka dastuurka Federaalka ah  iyo habdhaqanka wanaagsan ee uu Mas’uuliyadda ugu wareejinayo ninka isaga badalaya

“Waan fdareenayaa in R/wasaare C/weli uu sameyn doono latashiyo wanaagsan si uu u soo dhiso Golahiisa Wasiirada cusub, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la dhiso dowlad balaaran oo loo dhanyahay, awoodna u leh in ay hirgeliso sharciga, dowlad wanaagga iyo adeegyada bulshada” ayuu Kay markale hadalkiisa ku daray.

Mr.Kay ayaa ku booriyay baarlamaanka, madaxtooyada in ay sii wadaan la shaqeynta wada jirka ah, iyadoo ixtiraam buuxda la siinayo dastuurka Federaalka ah, waxaana uu ammaanay dowrka mas’uuliyadeed ee ay ka cayaareen baarlamaanka Soomaaliya xiligan muhiimka u ah taariikhda Soomaaliya.


Add New Comment