Bus usocdey Dalka Yugaandha oo Caawa lagu Qarxiyey Magaalda Nairobi



Qarax wayn aya caawa waxa uu ka dhacay bosteejo ku taal bartamaha magaalada Nairobi, taasoo laga raaco Basaska aadayaa dhanka Kambala.Saraakiisha Isbitaalka weyn ee Dalka Nairobi Kenya ayaa waxay xaqiijiyeen in ay geeriyoodeen 3 kamid ah dadkii dhaawaca kasoo gaaray qaraxasi.


Warar kale ayaa sheegay in qaraxni ay ku lugleeyihiin qaar ka tirsan shirkadaha gaadiidka basaska iskaga goosha geeska afrika, oo isku qabtay arima la xiriira suuqa iyo gaadiidka.

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay inay qabteen qof ka tirsan sadexdii qof ee sababay Qaraxan, ayan wali ku daba jiraan kuwii kale ee isga la socdey.

Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii ay Magaaladu ku waa bariisatay Qarax lala beegsaday Gaari ay wateen Ciidanka Booliska Dalka Kenya, kaasoo sababay dhimashada hal Askari.

Maanta ayaa goor hore  waxaa heegan la geliyey Ciidamada Amaanka Dalka Yugaandha, kadib markii Madaxda Amniga Dalkaasi ay sheegeen in Uruka Al-shabaab iyo Al Qaa,ida meleegayaan weerar lagu qaadu Dalka Yugaandha waa sida ay hadalka udhigeene.

Add New Comment