Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod gacan taag ah u qaaday mooshin la xiriiray codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda soomaaliya oo ay maalmahaan ka doodayeen.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in 259-xildhibaan ay codkooda dhiibteen, ayna 184 mudane ogolaadeen in xukuumadda kalsoonida lagala laabto, halka ay codkooda siiyeen xukuumadda 64-mudane oo kaliya, mana jirto cid ka aamustay.
Prof Jawaari ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta uu madaxweynuhu ka soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub, kaasi oo la wareegi doono xilka ra’isul wasaaranimo.
Natiijadani ayaa timid ka ddib saddex maalmood oo xildihibaannadu ay ka doodayeen mooshin ka dhan ah xukuumadda oo ay soo gudbiyeen 168-xildhibaan oo ka tirsan kuwa baarlamaanka Soomaaliya.