Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada
Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo si diiran loogu soo
dhaweeyey.
Wafdigan ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin
Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin
Xuseen Guuleed ,Wasiirka Wasaaradda Garsoorka Mudane C/laahi Abyan Nuur waxaana
wehliya Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo
Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka,Booliiska iyo Nabad Sugidda Qaranka.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed C/qaadir Daahir (MCD) oo ku sugan
magaalada Marka ayaa soo sheegaya in wafdigan ay si aad ah usoo dhaweeyeen
qeybaha kala duwan ee bulshada.
Hada waxaa magaalada Marka ka soconaya kulammo ay wafdiga ballaaran ee maanta
gaaray la leeyihiin odayaasha,waxgaradka iyo saraakiisha Ciidammada kuwaasi oo
looga arinsanayo amniga magaalada Marka sidii loo sugi lahaa.