wafdi uu hoggaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Jabuuti u ambabaxay
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti oo uu uga qeyb gali doono munaasabad lagu xusayo sanadguuradii 40aad ee ka soo wareegatay markii la qoray afka Soomaaliga.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay ka mid ahaa mas'uuliyiin dhinaca waxbarashada, sida gudoomiyayaal jaamacadeed iyo shaqsiyaad ku xeel dheel dhinaca luqadaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan dib u soo nooleynta adeegsiga far soomaaliga, isla markaana ay hormarin doonaan waxbarashada, taasoo uu xusay inay ka mid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan.
"Dhaqanka afka soomaaliga waxay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyed"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka waxbarashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo.
Waa safarkii labaad oo uu Madaxweynaha ugu ambabaxo dalka Jabuuti, iyadoo bishii November ay aheyd markii u horeysay oo uu safaro ku kala bixiyay dalal ku yaala gobolka.
Add New Comment
|
|
|