Wasiirka gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire Mahiga


Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Dr Augustine Mahiga kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa Dhaqancelinta loo sameynayo dhalinyarada kasoo baxsata shabaab ee isu soo dhiibta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Warbaahinta Dowladda la hadlay wasiirka difaaca Soomaaliya Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo xusay in uu Ambasador mahiga warbixin ka siiyay horumarradii ugu dambeeyay oo ay ciidamada dowladda ka gaareen Dagaalladii ay la galeen maleeshiyaad ka tirsan shabaab.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in 30 ka mid ah dhallinyaradii u dagaalamaysay shabaab ay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada dhexe kuwaas oo u baahan in ay helaan dhaqan celin iyo mustaqbal wanaagsan oo ka bedelan kii ay horay ugu noolaayeen.

Kulanka uu wasiirka difaaca Soomaaliya xafiiskiisa kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General C/kariim Yuusuf Aadan dhagabadan iyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka.


Add New Comment