Baarlamanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho kuyeeshay kulankoodii 34aad
ee kalfadhiga 1aad ayaa ka hadlay sidii loo habeyn lahaa gudiyada baarlamanka
iyadoo warbixino laga dhageystay Gudi farsamo oo kakoobnaa 5 qof kuwaas oo
kuhowlanaa dib uhabeynta gudiyada baarlamanka islamarkana la isku waafajinlahaa
gudiyada iyo wasaaradaha waxaana ay xubnaha baarlamanku maanta soo hordhigeen 15
gudi oo uu yeesho baarlamanka Soomaaliya.
Gudiyada ay soo jeediyeen in barlamanku yeesho ayaa waxa ay kala yihiin.
1-Gudiga xeer hoosadka anshaxa iyo xasaanadda
xildhibaanada
2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta
dastuurka
3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta
4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga
Qaranka
5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku
celinta
6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la
xisaabtanka hay,adaha dowladda
7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga
8-Gudiga difaaca Qaranka
9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada
10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga
11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha
12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka
13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo
isgaarsiinta
14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo tamarta
15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha
Iyo sidoo kale gudi loogu magacdaray Gudiga joogtada ah oo uu gudoomiye
uyahay afhayeenka Barlamanka islamarkaana ay xubno kayihiin kuxigeenadiisa iyo
gudoomiyahaasha gudiyada 15ka ah
Fadhiga Barlamanka Soomaliya ee maanta oo ay soo xaadireen 158 ayaa
warbixinta gudiga soo diyaariyay kadib Waxaa cod loo qaaday soo jeedintooda
iyadoo ay ogolaadeen inkabadan 156 mudane iyadoo mid kamid ah uu diiday halka
midna uu ka aamusay gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “jawaari”
ayaa kudhawaaqay natiijada codeynta waxa uuna xusay in ay ansaxtahay
codeyntaasi.