Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya oo soo dhammeystiray xubnaha xukuumaddiisa
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhameystiray Golihiisa Wasiirada, iyadoo maanta wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa lagu magacaabay Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirada.
Wasiir dowlayaasha ayaa ka kooban 5-wasiiru dowle, halka Wasiir kuxigeenada ay dhan yihiin 20-wasiir kuxigeen, inkastoo min labo wasiir kuxigeen ay isugu jiraan wasaarad walba.
Xubnaha min labada wasiir kuxigeen ee wasaaradaha ayaa lagu sheegay maadaama wasaaradaha ay yihiin kuwo howl fara badan horyaala ay lagama maarmaan noqotay in min labo wasiir kuxigeen la magacaabo.
Xoghayaha joogtada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Faarax Cabdi Xasan ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada, iyadoo tiradan ay noqoneyso tiradii ugu badneyd ee min labo wasiir kuxigeeno ay yeelato wasaarad kasta.
Magacyada Wasiiru dowlayaasha:-
1-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada 2-Dr Maxamed Nuur Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada 3-Mahdi Maxamuud Cali Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha 4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir Wasiiru dowlaha Maaliyada 5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Adeega bulshada
Magacyada Wasiir kuxigeenada
1-Eng maxamed Aadan Axmed W/kuxigeenka arrimaha Dibada 2- Jamaal Axmed Barrow W/ ku xigeenka arrimaha dibada 3- Xasan Ibraahim Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha 4- Jaamac Axmed Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha 5- Maxamed Xasan Aadan W/ku xigen maaliyada 6- Abuukar Xasan Cali W/ku xigen maaliyada 7- Bashiir Maxamed jaamac W/ ku xigeenka horumarinta 8- Maxamuud Macalin Yaxye W/ku xigeenka hormarinta 9- Fahmo Axmed Nuur W/ku xigen cadaalada 10- Xasan Maxamed Jimcaale W/ku xigeenka cadalada 11- Nadiifo Maxamed Cusmaan W/ku xigeenka howlaha guud 12- Cali Shekh Maxamed W/ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiika 13- Siciido Xasan Cusmaan W/ku xigeenka Qeyraadka 14- C/raxmaan Maxamed Geedi W/ku xigeenka Qeyraadka 15- Axmed Maxamed Maxamuud W/ku xigeenka gaashaandhiga. 16- C/raxman kulmiye Xirsi W/ku xigeenka Gaasgaandhiga 17- C/qadir Sheekh Ismaacil W/ ku xigeenka Ganacsiga 18- Maxamed Cali Xagaa W/ku xigeenka Ganacsiga 19- C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta 20- Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir ku xigeenka warfaafinta.
Xubnaha la magacaabay ee isugu jira Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada ayaa ka dhigaya tirada golaha Wasiirada 35-xubnood, iyadoo Xukuumadu ay tahay mid dhameystiran.
Add New Comment
|
|
|