Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday
wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya, ahaana ganacsade weyn oo nsi aad ah loogaga yaqiinay dalka Soomaaliya marxuum Xaaji Cusmaan Axmed Rooble.
Marxuum Cusmaan Axmed Rooble waxa uu sanadihii dambe deganaa magaalada
London, wuxaana la sheegay in uu u geeriyooday xanuun dhinaca kilyaha ah oo
mudooyinkaanba uu la xanuunsanayay.
Meydka Marxuun Cusmaan Axmed Rooble ayaa lagu wadaa in loo soo duuliyo
Muqdisho si loogu aaso
Marxuumka , wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Soomaaliya,
xilligii dowladdii madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan C/lle Cusmaan
(Aadan Cadde). Waxaana si weyn looga yiqiin magaalada Muqdisho ee caasimada
dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Rooble waxaa uu lahaa Labo
Shineemo oo magaalada Muqdisho si weyn loogaga daawan jirey Aflaamta kala duwan
kuwaas oo kala ahaa Shineemo Afrika iyo shineemo Muqdisho.