Hoggaanka Culimaa’udiinka Ahlu sunna walJamaaca ayaa sheegay in ciidamada Ahlu
sunna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya iyagoo sheegay in la mideeyay dhamaan
dhinacyadii kala duwanaa ee ku abtirsanayay magaca Ahlu Sunna Waljamaca.
Guddoomiyaha Fulinta Ahlus Suuna Waljameeca oo masuuliyiin sarre oo ka tirsan
Isla Ururka oo maanta saxaafadda shir ugu qabtay garoonka diyaaraha Aadan
Cabdulle xili ay safar ka ahaayeen magaalada Muqdisho oo ay ku sii jeedeen
gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso
hanaanka wada shaqeyn ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warfidiyeennada u sheegay in iminka
ay socdaan shirar ay leeyihiin dhammaan Ahlu Sunn, isagoo hoosta ka xariiqay in
dhawaan Muqdisho uu ka howlgali doono xafiis ay ku mideysan yihiin guud ahaan
Culumada Ahlus Sunna si ay u dar-dargaliyaan wada shaqeyn dowladda
Soomaaliya.
Sidoo kale Guddomiyaha Fulinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh
Maxamed Xeefoow ayaa tilmaamay in shacbiga Soomaailyeed oo idil ay yihiin Ahlu
Sunna, ciidamada ahlu sunna ay ka mid yihiin ciidammada Qaranka Soomaaliyeed ee
cadowga dagaalka kula jira, isla markaan xaquuqdooda ay ballan qaaday in ay
bixineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dagaal xoog leh kula jira
jiritaanka kooxda shabaab ee doonaya in ay ku faafiyaan xagjirnimada
Al-Qaacidda astaanta u ah.