Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo


Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in xalay qarax xoogan uu ka dhacay fariisin maleeshiyada Raskanbooni ay ku leeyihiin Gudaha magaalada kismaayo.

Qaraxa ayaa dad goobjoogayaal ahi warbaahinta u sheegeen inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso halka wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa nooca gacanta laga tuuro walise ma cada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashey qaraxaasi inakstoo wararka qaar ay sheegayaan I hal qof uu ku dhintey tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeyn.

Maleeshoyada Raaskanbooni ayaa lagu soo waramayaa iney saaka wadaan baaritaano ayagoo xaafadaha ka ag dhow dhow halka u qaraxa ka dhacay balse ma jiro ilaa hada dad la sheegey iney qaraxa u soo qabqabteyn.


Add New Comment