Dowladda K.M.G ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta si rasmi ah amaanka Suuqqa Bakaaraha loogu wareejiyay ciidamada booliska Soomaaliyeed isla markaana maalmaha soo socday ay si rasmi ah u billaaban doonan howlihii shaqo.
Ku wareejinta amaanka suuqa bakaaraha ee ciidamad booliska oo baarqanimadii maanta ka dhacday wadada labaad ee suuqa bakaaraha waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda, saraakiil ka kala tirsan ciidamada xoogga dalka iyo booliska waxana ugu horreyn ka hadlay General Yuusuf Maxmed Siyaad oo gacanta ku hayay maalmihii la soo dhaafay suuqa isaga oo ku wareejiyay taliyaha Ciidanka xoogga S/guuto C/qaadir Sh. Cali Diini oo isna ku wareejiayay wasiiru doowlaha Gaashaandhigga Maxmed Macalin Nuur waxa uuna tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigu ay amaanka suuqa ku wareejisay wasaarada arimiha gudaha.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sh. Xasan oo isna goobta ka hadlayay ayaa uga mahad celiyay ciidanka xoogga qaabka ay u sugeen amaanka suuqa intii ay gacanta ku hayeen wax uuna intaa ku daray in ciidanka boolisku ay si buuxda ay u sugidoonaan amaanka suuqa Bakaaraha.
Wasiirka warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxmed oo ka mid ahaa wasiirradii goob joogga ka ahaa ku wareejinta amaanka suuqa bakaaraha ciidanka booliska ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dib u bilaabaan hoowlahooda ganacsi.
Inta kadib wasiirrada xaflada ka qeyb galay iyo saraakiisha ciidanka ayaa ku soo wareegay gudaha suuqa bakaraaha waxa ayna wareeysteen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa iyga oo sheegay in aaney jirin wax dhibaato ah oo ay ciidamadu u geesteen.
Muqaalka suuqa markii aad dhexmarto waxaad dareemeysaa in suuqo uu ka badqabay dagaaladii ka dhacay marka laga tago daraaha dhaadheer ee suuqa ku dhexyaal oo dagaaladu ay saameeyeen
Guduha suuqa ayaa waxaa lagu arkayay ganacsato fara ku tiris ah oo suuqa ku sugan.