Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta
saxiixay qorshaha ammaanka iyo xalisnta Qaranka NSSP, kaas oo lagu shaqeyn doono
5ta sano ee soo socota.
Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada oo ay ka soo qeyb galeen
guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha maxkamadda
sare Avv. Ceydiid C/llaahhi Ilkaxanaf, R/wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali,
Wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka
C/samad Macalin Maxamuud iyo xildhibaano, ayaa lagu soo bandhigay qorshahaan oo
ka kooban 8 qodob isla markaana ay soo diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed.
Prof. Axamed Cali Caanoos o ka mid ah aqoonyahannadii soo diyaariyay
qorshahaan ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya, Saraakiil hore oo ciidamada ka tirsanaa iyo aqoonyahanno
Soomaaliyeed ay soo diyaariyeen qorshahan oo mudnaan siinayo istaraatiijiyadda
lagu dhammeynayo qodobada ka harsan nidaamka dowliga ah ee ku cad shuruucda
waddanka.
Taliyaha ciidamada XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa guul ku
tilmaamay qorshahaan la saxiixay maanta, isagoo sheegay in dowlado badan ay
horay ugu dhaliileen inuusan Soomaaliya ka jirin qorshaha amniga qaranka si
loogu taageero. wuxuuna u mahad celiyay saraakiishii iyo aqoonyahannadii soo
sameeyay iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo waqti badan ku bixisay
qorshahaan.
Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in
qorshahaani uu ahmiyad ballaaran u leeyahay dalka Soomaaliya, waxayna u mahad
celiyeen dhammaan dadkii ka qeyb galay qorshahaan iyo nabadeynta waddanka
Soomaaliya.
R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa munaasabadda ka sheegay
in muhiimadd uu u leeyahay qorshaha NSSP waddanka si loo gaaro xasilooni,
dowladduna ay juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qorshahaan. isagoo u
mahad celiyay ciidamada XDS iyo AMISOM oo horrumarro badan ka sameeyay dhinaca
ammaanka waddanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ka sheegay
in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdaba looga baahan yahay in ay dhaqan galiyaan
qorshahaan oo ah kii ay dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga bixi lahaayeen. Isagoo
u mahad celiyay dadkii ka soo shaqeeyay diyaarintiisa.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad uu
ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in hirgalinta qorshahaani uu yahay mid
ahmiyad weyn u leh dadka iyo dalka, isagoo u mahad celiyay dadkii gacanta ka
geystay. “Waxaa farxad weyn ii ah maanta inaan saxiixo qorsha amniga iyo
xasilinta qaranka, oo ah qorshe laf dhabar u ah dowladnimada muddo dheerna laga
soo shaqeynayay, waxaana rabaa inaan u mahad celiyo cid kasta oo gacan ka
geysatay” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Wuxuu sheegay madaxweynuhu in dal dhibaato ka jirtay muddo dheer si loo
xasiliyo loo baahan yahay qorshe cad oo la raaco. Kaas oo sahli kara in dowladda
iyo dadka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan Al-Qaacidda.
“Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku jirtay fowdo baahsan,
waxayna gaartay heer dambiilayaasha adduunku halkaan intay yimaadaan umadda
Soomaaliyeed ay dhibaateeyaan ayagoo ku gambanaya magac diimeed, haddaan la
helin qorshe looga hortago oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiheysan
yihiin waxaa adkaaneysa in laga guuleysto”.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisa ku
sheegay in sadexdii sano ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladda la gaarsiiyay
meel wanaagsan ayna ka adkaadeen Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab, ayagoo kaashanaya
ciidamada AMISOM, hase yeeshee la doonayo in horay looga sii socdo halkaasi.
“Waa laga guuleytay Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab, Laakin ma rabno gadaal in
loo soo laabto ee horay in loo sii socdo ayaan rabnaa, horay in loo sii socdana
waxay u baahan tahay qorshe, qorshihiina waa kan maanta la sameeyay”. ayuu yiri
madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha ayaa caalamka ka codsaday inay dowladda soo socota ku caawiyaan
hirgalinta qorshahaan oo sahlaya in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, ayna ka
guuleysato argagixisada caalamiga ah ee dagaallada kula jirta. Ciidamada XDS
iyo AMISOM ayuu sidoo kale ku amaanay howl gallada ay qeybo ka mid ah dalka uga
saareen maleeshiyaadkii Shabaab ee dhibaatada ku hayay muddada shacabka
Soomaaliyeed.
Anixinta Qorshahaan ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay tallaab labaad oo
taariikhi ah, marka laga soo tago Dastuurka waddanka oo dhawaan la ansixiyay,
isagoo tilmaamay in 42 sano kadib ay Soomaaliya gaareyso Horumarro siyaasadeed
iyo dowladnimo dhammeytiran. Musharraxiinta soo badanaya ee u taagan xilka
madaxnimada waddanka ayuuna soo dhaweeyay madaxweynuhu.