Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo ku kulmay magaalada Kampala


Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uganda Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Yuweri Museveni ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada Uganda ee magaalada Kampala, kulankaasoo ay labada mas'uul kaga wada hadleen isbedelka ku yimid xaaladda magaalada Muqdisho iyo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Uganda ayaa Sheekh Shariif ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM, asagoona isla markaa u ballan qaaday madaxweyne Shariif in Uganda ay Soomaaliya u soo diri doonto 2000 askari oo dheeraad ah.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ugu dambeyntii isku raaceen in lasii wado howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Xarakatul Shabaab, sidoo kalena la hubiyo sugidda amaanka goobaha gacanta dowladda soo galay.

Dalka Uganda ayaa waxa magaalada Muqdisho ka jooga ciidamada ugu tirada badan ee qaybta ka ah ku Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka garab dagaalama ciidanka Dowladda KMG ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga Islaamiga ah ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.


Add New Comment