Golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho
Golaha wasiirada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho, kulankaas oo ay kaga hadleen xaaladda amaan ee magaalada iyo ka bixitaankii Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen inta badan goobihii ay magaalada kaga sugnaayeen.
Kulanka golaha wasiirada ayaa waxa shir-guddoominayey ra'iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa si weyn loogu lafa guray xaaladda cusub ee ay gashay magaalada iyo sidii ay dowladdu u hanan lahayd goobaha aysan weli gaarin ciidankeeda iyo sidii loo sugi lahaa amaanka qaybaha ay isku baahiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Intii uu socday kulanka golaha wasiirada ayaa waxa aad loogu hambalyeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la rumeysan yahay inay ku guuleysteen dagaalladii maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah loogu baaqay Xarakatul Shabaab inay nabadda qaataan kuna soo biiraan ciidamada qaranka.
Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka kaddib la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in goluhu uu aad uga wada hadlay amaanka caasimadda, sidoo kalena ay baaq u jeediyeen dagaalyahannadii Al Shabaab inay hubka dhigaan ayna qaataan nabadda.
Sidoo kale waxa uu goluhu isku raacay in si deg deg ah loo sameeyo ciidamo gaar ah oo suga amaanka, sidoo kalena la dagaallama kooxaha burcadda ah iyo in la sameeyo maxkamad qaabilsan arrimaha amniga si hay'adaha gargaarka ay u gutaan howlaha lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee macluusha la il daran.
Goluhu waxa kale oo uu go'aamiyey in aan la aqbali doonin wax aan ahayn ciidanka amaanka ee Dowladda KMG in ay ka howlgasho magaalada Muqdisho, waxayna golaha wasiiradu ugu dambeyntii cambaareyn dusha kaga tuureen kooxihii ka dambeeyey dhacdadii lagu laayey dadkii barakacayaasha ahaa ee ku jiray xerada Badbaado, taasoo ay sheegeen in maxkamad la soo taagii doono kuwii ka dambeeyey.
Add New Comment
|
|
|