Madaxweyne Sh. Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa maanta ka dhoofay dalka ayagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda oo ay kulamo kula yeelan  doonaan madaxda dalkaasi.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah wasiiro, saraakiil ciidamada ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda, waxayna inta ay joogaan magaalada Kampala la kulmi doonaan madaxweynaha dalka Uganda Yweri Museveni iyo madax sare oo ka tirsan dowladdiisa.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan ujeeddada socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa, hase ahaatee waxa la saadaalinayaa in laysla soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya iyo isbeddelada ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay isaga baxeen dagaalyahannadii Xarakatul Shabaab ee gacanta ku heyn jiray inta badan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada.

Warar aan la xaqeejinna waxay sheegayaan in wafdiga madaxweynaha ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo haddii ayba jiraan ka warbixin doona guulaha ay ciidamadoodu ka gaareen dagaalladii Muqdisho iyo tallaabada xigi doonta.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa maalin uun kaddib markii Xarakatul Shabaab ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay isaga baxeen magaalada Muqdisho, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM-na ay billaabeen inay isku fidiyaan goobo fara badan oo magaalada ah oo aanay horey u joogi jirin.

Add New Comment