Guddoomiyaha Xisbul Islaam oo ku baaqay in la gargaaro barakacayaasha Muqdisho


Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gargaar lasoo gaaraan dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ka hor inta aysan bisha Ramadaan dhalan.

Guddoomiyaha ayaa warkan maanta ka jeediyey kulan ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha oo ay kasoo qaybgaleen culimaa'udiin, ganacsato. odayaal iyo haween, kulankaas loogaga hadlayey sida ugu habboon ee loo gargaari karo dadkaasi Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan degaannada loo barakacay.

Baaqa Sheekh Xasan Daahir ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli bisha Ramadaan ay ka dhiman yihiin maalmo kooban, iyo ayadoo dhanka kale saraakiisha Xisbul Islaam ay dhowaan sheegeen in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay sii xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, taasoo haddii ay dhacdo dhabtii sii abuuri karta barakacayaal hor leh.

Add New Comment