Banaanbax lagu maamuusayey sanadguuradii kowaad ee ka bixitaankii Al-Shabaab ee Muqdisho
Banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galeen kumanaan dadweyne laguna
taageerayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii Al-Shabaab
ka baxeen magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ayaa maanta lagu qabtay
Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Conis, iyadoo uu ka qeyb galay
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Isu soo baxan oo uu
qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay
dadweyne fara badan oo ka kala socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir
iyo Mas'uuliyiin, iyadoo dadka ay wateen hidiaha iyo dhaqanka, Calanka
Soomaaliya, waxaana dibad baxayaasha ay sidoo kale wateen Sawirka
Madaxweynaha.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho
Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" oo ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in
lixda Agoosto ay maalin weyn ku tahay shacabka ree Muqdisho, isagoo
madaxweynaha ka codsaday in maalintaan loo asteeyo maalinta nabadda
Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu maleeshiyaadka Shabaab ku
eedeeyay in ay dhibaato u geysteen shacabka iyo magaalada Muqdisho.
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa
sheegay in maleeshiyaadka Shabaab aysan isaga bixin magaalada ee ay ka
saareen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale shacabka iyo
ciidamada qalabka sida ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga wada
shaqeeyeen ammaanka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Shabaab.
Ra'iisul
Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise oo ka
hadlay isu soo baxa ayaa tilmaamay in horumarka dhinaca ammaanka ee
dalka ka dhacay ay sabab u tahay dadaalka ay muujiyeen ciidamada Qalabka
sida oo habeen iyo maalin u taagan difaaca waddanka iyo ilaalinta
nabadda magaalooyinka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane
Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay isu soo baxa ayaa sheegay In
dad badan aysan maleyneynin in magaalada Muqdisho ay nabad ka noqoneyso
dhibaatada muddada ka jirtay, kuwo kalena aysan rumeysneyn in laga
guuleysan karo maleeshiyaadka Shabaab iyo ururka Al-Qaacidda oo ku soo
duullay shacabka Soomaaliyeed, Hase yeeshee arrimahaasi ay dhaceen.
Khudbaddiisa
ayuu madaxweynuhu ugu mahad celiyay dhammaan dowladihii ku caawiyay
Soomaaliya in ay ka adkaato Al-Qaacidda iyo kuwii ka caawiyay dhinaca
ciidamada sida dowladaha Uganda, Buruundi, Jabuuti iyo Kenya. Madaxweynuhu
wuxuu sidoo kale ka hadlay horumarrada laga sameeyay dhinacyada
siyaasadda iyo horumarka bulshada, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay
in la dhammeystiro hannaanka loogu gudbayo dowladnimada, isla markaana
la sii adkeeyo guulaha laga gaaray ammaanka iyo dib u heshiisiinta.
Shacabkii
ka soo qeyb galay isu soo baxa ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay in ay
wax kasta ka hormariyaan nabadda, taas oo uu sheegay inay mudan tahay in
loo huro wax kasta.
Kooxaha fannaaniinta Waaberi, Heegan iyo
Iftin ayaa goobta ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayado ka tarjumaya
ahmiyadda ammaanka, waddaniyadda iyo waliba waxqabadka madaxweynaha
Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed.
Add New Comment
|
|
|