Dowladda Mareykanka oo Al Shabaab ugu baaqday inay fasaxaan gargaarka baniaadanimo


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Mareykanka Hillary Clinton ayaa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ugu baaqday inay hay'adaha gargaarka u fududeeyaan inay gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mrs. Clinton waxa kale oo ay sheegtay inay wax laga xumaado tahay in Xarakatul Shabaab ay is hortaag ku sameeyaan mucaawinada loo wado carruurta iyo haweenka ay macluushu ku heysato gobollada maamulkooda hoos yimaada, weliba ayadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hillary Clinton oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay sheegtay in dalkeedu uu qaaday xayiraaddii horey loogu soo rogay hay'adaha samafalka, haatanna la fasaxay in hay'aduhu ay mucaawinada gaarsiin karaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada ay Shabaabku maamulaan, Al Shabaabna looga baahan yahay inay nabadgeliyaan shaqaalaha gargaarka.

Baaqa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli dhowaan Xarakatul Shabaab ay hadallo is qilaafsan ka soo saartay xaaladda abaarta ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay maamusho xarakada, ayagoo markii hore ku baaqay in gargaar lala soo gaaro shacbiga dhibaateysan, kaddibna sheegay in hay'adihii horey loo mamnuucay aysan ku jirin kuwa la oggol yahay.


Add New Comment