Allaah ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday siyaasiga Cusmaan Xasan Cali Caato oo ahaa mudane ka tirsanaa xildhibaanada barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, horeyna xilal uga soo qabtay dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya.
Meydka marxuum Cusmaan Xasan Cali Caato ayaa lagu wadaa in maalinimada berrito la aasi doono, hase ahaatee aan si cad loo sheegin halka lagu aasi doono in ay noqon doonto magaalada Muqdisho ama meel kale.