Clinton oo la Kulantay Madaxda Soomaalida



Xogyahayaga Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa goor dhow magaalada Niarobi kulan kula qaadatay hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Hillary Clinton madaxda ay la kulantay oo ay ku jiraan madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra'iisul-wasaaraha waxay u sheegtay inay ku qanacsan tahay sida uu u socda qorshaha roadmap-ka, waxayna ku boorisay inay lama huraan tahay inay dhameystiraan dhamaan howlaha looga baxayo KMG.

Madaxda Soomaalida ayaa Hillary Clinton uga mahadceliyay taageerada Maraykanku, iyagoo u sheegay inay ka go'an tahay in xilliga kalaguurka la soo afjaro.

Add New Comment