Guddiga uu barlamaanku u xilsaaray qabashada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha la qaban doono 10-ka bisha Sebtember oo ku beegan maalin Isniin ah.
Sidoo kale Guddiga waxa kale oo ay sheegeen in qabashada araajida murashixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha la qaban doono 3-da ilaa 6-da isla bisha Sebtember.
Jagada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxa ilaa iyo haatan isu soo taagay dad fara badan oo ay ku jiraan madaxweynaha xilka ka sii degaya mudane Sheekh Shariif Shjeekh Axmed, ra'iisul-wasaarihii hore ee Dowladda KMG Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo aqoonyahanno caam ah oo dalka oo dhan si weyn loogaga yaqaan oo ay ugu cad cad yihiin ra'iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow iyo suxufiga dadka Soomaaliyeed ay sida weyn u yaqaanaan ee Yuusuf Garaad Cumar.