Mas’uuliyiinta sar sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa Umada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabada ciida ee maanta.
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga islamarkaana si aad ah loogu dabaal dagayo ayaa Xarakada Al Shabaab waxa ay hambalyo ku aadan ciida ay u direen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya.
Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Al Shabaab oo ka hadlayay xerada Maslax ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen boqolaal dad weyne ah ayaa waxa uu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed Munaasabada Ciidul Fidriga, waxaana uu sheegay in sanadkaan uu yahay sanadka midnimada oo ay midoobeen dagaalyahanada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali abuu Mansuur oo iyana ka hadlayay fagaaro ku yaalla deegaanka Lafoole ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen maalinta munaasabada ciida, iyadoo Xasan Daahir uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan Al Shabaab islamarkaana ay ka feejignaadaan qatar uu tilmaamay inay kaga imaan karto ciidamada AMISOM.
Sidoo kale Sheekh Muqtaar Rooboow Cali abuu Mansuur ayaa waxa uu ka codsaday ciidamada Al Shabaab inay u naxariistaan dadka shacabka ah oo aysan dhibaateyn, waxaana goobihii ay ka hadleen Mas’uuliyiintaan ka tirsan Al Shabaab amaankooda si weyn u sugayay ciidamo aad u badan oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab.