Madaxweyne Shariif oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciid fitriga


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Masjidka Shuhadada ee Xarunta Madaxtooyada waxa uu salaaddii Ciida ku tujiyey dad isugu jira mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, culimaa'udiin, odayaal iyo dadweyne kale oo fara badan.

Madaxweynaha oo kaddib markii la tukaday salaadda halkaasi qudbad ka jeediyey ayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in lays cafiyo iyo in nabadda ka jirta sanadkan magaalada Muqdisho ay xajistaan.

Madaxweyne Shariif ayaa intaas kaddib waxa uu mid mid u gacanqaaday mas'uuliyiintii iyo dadweynihii kale ee kasoo qaybgalay munaasabadda, kaddibna waxa dadkii lagu soo dhoweeyey wajbad quraac ah ayadoo madaxweynuhuna uu la fadhiyey. 

ciida-madaxtooyo_12[1].jpg

ciida-madaxtooyo_11[1].jpg

ciida-madaxtooyo_8[1].jpg

IMG_2324-515x343[1].jpg

IMG_2449-515x343[1].jpg

IMG_2466-515x343[1].jpg










Add New Comment