Dowladaha Mareykanka iyo Britain oo soo dhoweeyey dastuurka cusub ee Soomaaliya



Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si weyn u soo dhoweeyay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ee maalinimadii Arbacada lagu ansixiyey shir Golaha Ansixinta Dastuurka maalmihii u dambeeyey ugu socday magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Mr.Hillary Clinton, Xoghayaha oo ka hadashay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhoweysay, iyadoo ansixinta Dastuurka cusub ku tilmaamtay tallaabo horay loo qaaday.

Clinton ayaa sheegtay in Dastuurka uu muhiimad u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo aayaha guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la soo de dejiyo soo xulista Golaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya.

Dhinaca kale uqaabilsanaha ariamaha Afrika dowladda Ingriiska Henry Bellingham oo isana ka hadlay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay si weyn ula dhacday hanaanka wanaagsan ee loo maray ansixinta Dastuurka isagoo urajeeyay Soomaaliya in ay noqoto qaran cagihiisa isku taagay.

Henry Bellingham ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena ammaan iyo bogaadin ujeediyay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Dowrka ay kaga jiraan nabadeynta Soomaaliya.


Add New Comment