Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay doorashada Guddoomiyaha
cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, oo ku
tilmaamay doorasho taariikhi ah.
Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka
u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James C. Swan, ayaa lagu sheegay in isagoo ku
hadlaya magaca dadka Mareykanka ay u hambalyeynayaan hoggaamiyayaasha
Soomaaliyeed - gaar ahaan odoyaasha dhaqanka, xubnaha guddiga farsamada iyo
Guddoomiyihii KMG ahaa, Mussa Hassan Abdulle dadaalkii ay sameeyeen.
Siyaasi rug caddaa ah, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay loo doortay inuu
noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Waxa uu xilkan haynayaa afarta sano ee soo socota.
Tallaabadan ayaa waxa ay tahay tii ugu horreysay ee loo qaado aasaaska dowlad
rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.
Madaxweyne cusub ayaa isna lagu wadaa in la doorto toddobaadyo gudahood.
Prof Jawaari ayaa waxa inuu guuleeystay lagu dhawaaqay kadib markii Cali
Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga labaad.
Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh
uu ka helay 77 cod.
Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:
119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,
77 Cali Khaliif Galeydh,
23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,
10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo
5 Xasan Abshir Faarax.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa isna waxa loo doortay
Jeylaani Iikar, halka Guddoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Mahad
Cawad.
Saddexda Mas'uul ayaa markiiba loo dhaariyay xilalka loo doortay.
Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada
Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.