Waxaa waqti dambe oo habeenimadii xalay magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey howlihii barlamaanka cusub ee Soomaaliya uu ku dooranayey gudoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.
Codeynta xilalka 3-da ah ayaa waxa ay soo billaabatay barqanimadii maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 28-ka Agoosto, waxaana howl dheer kaddib tartankii 3-da jago ku kala guuleystay Guddoomiye Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigeenka 1-aad xildhibaan Jeylaani Nuur Abiikar iyo ku-xigeenka 2-aad xildhibaan Mahdi Cabdulle Cawad.
Intaas kaddib ayaa waxa isla xaruntii lagu doortay lagu dhaariyey 3-da mas'uul ee ugu sareysa Barlamaanka cusub ee Soomaaliya ayadoona ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyihii KMG Gen Muse Xasan Cabdulle, xubnaha guddigii doorasha, xildhibaannada iyo ergooyin ka kala socday beesha caalamka.
Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa markii uu xilka kala wareegay guddoomiyihii kmg Gen. Muuse Xasan kaddib hadal kooban halkaa ka jeediyey, asagoona u guddiga doorashada iyo xildhibaannadaba ugu hambalyeeyey howsha adag ee ay sida wanaagsagsan u guteen.