waxaa soo gabagaboowday doorashiidii guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ee ka
socotay xarunta akadeemiyada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ka
qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo beesha caalamka.
mudanaayaasha baarlamanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay maanta u ceedeyeen
mushaxiinta u tartameysay xilka guddoomiyaha baarlamanka waxaana ka qeyb galey
doorashada guddoomiyaha baarlamanka maas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka iyo
mudanyaal kor u dhaafaya 237 mudane.
mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka ayaa waxa ay ahaayeen wakiilka
gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, safiirada
dowladaha Jabuuti Turkiga wakiilo ka socday jaamacada Carabta, iyo qaar ka mid
ah saxiixayaasha Road-mapka.
waxaa wareegii koobaad ee doorashada mushariixntii u tartameysay doorashada
ayaa waxaa codka ugu badan helay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 119 cod
Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale helay 77 Cod, waxaana Cabdi Xaanshi uu
helay 23 Cod, C/rashiid Xidig uu ku guuleystay 10 Cod ugu dambeyntiina waxaa
shan cod helay musharaxii kale.
wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa iskugu soo haray afar musharax
waxaana uu guddoomiyaha baarlamanka ee KMG ah oo shir guddoominayay shirka uu
goobta ka sheegay in afarta musharax ay u tarmanaan doorashada iyadoo labada
musharax ee kala ah c/rashiid Xidig iyo Xasan Abshir ay u tanaasuleen labada
musharax ee ku jirta kaalimaha koowaad iyo labaad.
guddoomiyaha KMG ah ee baarlamanka ayaa mar kale ku celiyay in labada
musharax ee kala ah Cali Khaliif Galeyr iyo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay u
tartamaan xilka guddoomiyaha Baarlamanka, waxaana ugu dambeentii goobta ka
hadlay Dr Cali Khaliif Galeyr oo tibaaxay in uu u tanaasul Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamanka.
Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee
Baarlamanka oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa uga mahad celiyay
mudaneyaasha baarlamanka ee siiyay codkooda waxa uuna carabka ku dhuftay in
guddoomiyaha Baarlamanka ee Kumeel gaarka ah uu sii wado doorashada ku xigeenada
guddoomiyaha baarlamanaka waxaana haatan xubnaha baarlamanka ay ku howlanyihiin
codeynta ku xigeenada guddoomiyaha baarlamanka.