Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta markii ugu horreysay booqasho ku tagay Magaala-madaxda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa socdaalkiisan ku weheliyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana markii ay ka dageen magaalada Garowe si diirran halkaasi ugu soo dhoweeyey ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxda Puntland oo uu horkacayey madaxweynaha maamulkaasi Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay la socdaan madaxda Puntland ayaa socod ku maray xeryaha barakacayaasha iyo cusbitaalka Garoowe, waxaana hareeraha waddooyinka safna dadweyne u soo baxay soo dhoweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Intaas kaddib ayaa waxa ay mas'uuliyiintu u fadhiisteen kulan albaabadu u xiran yihiin uuna goobjoog ka yahay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabislan arrimaha Soomaaliya danire Augustine Mahiga, waxaana arrimaha ay dhinacyadu ka wada hadlayaan ugu muhimsan shirka wadatashiga ee dhowaanta lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Wixii warar ah ee soo kordha kala socda www.SilGor.com