Ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la
wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Shabeellaha hoose ee Marka kadib
markii ay gelinkii hore ee maanta ay weerar ku qaadeen.
Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay
howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka waday deegaano hoos taga magaalada Marka
ayaa ugu danbeyn gacanta ku dhigay magaalada Marka waxaana haatan ciidamadu ka
dhex wadaan xaafadaha magaaladasi howlgalo ammaanka lagu xaqiiijinayo.
Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa Caleemo qoyana iyo sacab ay ku soo
dhaweyay ciidamada iyagoo aad ugu faraxsan soo gaaridooda mar hadii iminka ay ka
bexeen gacantii cadawga Alqaacidada ee in dhawaalaba dhibaatada ku hayay.