Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay in 27 August ay tahay maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliyeed, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaasoo lagu soo bandhigayay Khariirada Geeddi Socodka Xaquuqda Aadanaha (Roadmap of Human Rights for Somalia), waxaana kulanka goob joog ka ahaa wafdi heer caalami ah oo uu horkacayay Khabiirka madaxa banaan ee Arrimaha Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya Dr. Shamsul Bari.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay xubno ka socday Baarlamaanka Soomaaliya, Ururada Bulsahda Rayidka, gaar ahaana haweenka, iyo madaxda hay’addo u dooda xaquuqda Aadanaha, waxaana shirkaasi lagu soo bandhigay qorshaha labada sano ee soo socota ee xaquuqda aadanaha, taasoo looga gol lahaa in la dejiyo qorshe cad oo lagu waajaho barnaamijyada dhowrista iyo difaaca xaquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya.
Kulankan kadib, waxaa shir aan caadi aheyn yeeshay golaha Wasiirada ee xukuumada, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyaga oo isla eegay qorshahan Geeddi Socodka ee Xaquuqda aadanaha Soomaaliya, waxaana ay dood dheer kadib, isku raaceen in la dhaqangeliyo qorshaha geeddi socodka xaquuqda aadanaha kaasoo socon doona muddo labo sano ah 2013-2015.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo khabiirka xaquuqda aadanaha Dr. Shamsul Bari oo shir jaraa’id oo wada jir ah warbaahinta u qabtay ayaa isla qeexay in laga bilaabo maanta uu yahay dhaqangal qorshahan Geeddi Socodka ee Xaquuqda Aadanaha dalka Soomaaliya.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Agoosto waxaan iclaaminayaa inay tahay, loona aqoonsado maalinta Qaran ee xaquuqda Aadanaha dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay mar kasta u taagan tahay difaaca iyo illaalinta xaquuqda aadanaha muwaadinka Soomaaliyeed, qorshahaanina uu ifinayo wadada loo marayo illaalintaas.
Sidoo kale, Khabiirka madaxa banaan ee Xaquuqul Insaanka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari oo isna hadlay ayaa ku amaanay Xukuumada Soomaliya sida wanaagsan ee ay uga shaqeysay ilaalinta xuquuqul insaanka asagoo sheegay inay muhiimadooda ugu weyn tahay sidii loo dhowri lahaa xuquuqda shacabka loogana hortagi lahaa falalka tacadiga ee Jinsiga iyo aragtida qofka.
Dhanka kale, Ra’iisu Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Dr. Shamsul Bari iyo howlwadeeno dhanka xaquuqul insaanka Soomaaliya howlo badan ka soo qabtay, wuxuuna uga mahadceliyay si gaar ah Dr. Shamsul Bari geesinimadiisa iyo howlkarnimadiisa ku aadan horumarinta arrimaha xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxa uu qayb ka ahaa kulamo isdaba joog ah oo ay dowlada Soomaaliya ku horumarineyso xuquuqaha bini’aadamka waxaana xusid mudan in ay golaha wasiirada aqoon sadeen maalinta Qaranka ee Xuquuqda Bini’aadamka 27-ka Agoosto.