Prof. Jurile oo isaga haray u tartamidda xilka guddoomiyaha barlamaanka



Musharax Prof Cabdirasaaq Cismaan Juriile oo ka mid ah lix musharax oo horey u sheegtay inay u tartamayaan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa.

C/risaaq Juriile oo hadal ka jeediyey kulankii baarlamaanka oo weli ka socda xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu goostay inuu ka haro tartanka maadaama sida uu sheegay ay jiraan rag kale oo ku haboon kursiga.

“Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo in aan ka baxayo tartanka musharaxnimada afhayeenka baarlamaanka, waana tanaasulay anigoo og inay jiraan rag kale oo xilkaasi ku haboon iyaga ayaana ku taageerayaa” ayuu yiri Xildhibaan Juriile oo si weyn loogu sacabtumay.

Hadda waxaa iska soo horay shan mudane oo u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka kuwaasoo kala ah;

1- Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

2- Cabdirashiid Xiddig

3- Cabdi Xaashi Cabdullaahi

4- Cali Khaliif Galeyr

5- Xasan Abshir Faarax

Dhanka kale waxaa weli sii socda khudbadihii ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada jagooyinka afhayeenka, afhayeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana khudbadaha dhageysanaya xildhibaanada cusub, guddiga doorashada, korjoogto ka socota beesha caalamka iyo suxufiyiin.


Add New Comment