Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulantay Dhigeeda Dalka China


Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kulan la qaadatay dhigeeda dalka China Mr Wang Yang.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda Dalka China ayaa labada Wasiir waxa ay uga wada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo taariikhdii uu dalka China ku lahaa Soomaaliya gaar ahaanna dhinaca hormarinta iyo dib u dhiska.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dalka China Mr Wang Yang oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay iney Dowladda China u taagantahay sidii ay uga qeybqaadan laheyd dib u dhiska iyo hormarka dalka Soomaaliya maadaama ay si aad ah usii kordhayaan hormarrada ay gaareyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo iyana dhankeeda kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka China sida ay usoo dhaweeyeen wafdiga ay hogaamineyso iyo sida ay had iyo goor u garabtaaganyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayadoo dhanka kalena ay Wasiiraddu tilmaantay iney Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay sidii ay uga faa’ideysan laheyd taageerada dalalka caalamka oo Shiinaha uu u gu horeeyo.

china_visit.jpg


Add New Comment