Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed
Nuur Tarsan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa soo dhaweeyay isbedellada
siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, isagoo bogaadiyay xildhibaannada cusub ee
baarlamanka oo dhawaan la dhaariyay, waxaa uuna muujiyay sida uu ugu
faraxsanyahay in jamhuuriyadii Labaad lagu dhiso gudaha dalka.
Mudane Tarsan wuxuu rajo wanaagsan ka muujiayay in dowladda cusub ay noqon
doonto mid dalka ka saarta dhibaatadii uu ku jirayy muddada dheer, isagoo ugu
baaqay shacabka in ay taageeraan dowladda cusub.
Mar uu ka hadlayay dhinaca nadaafadda ayuu xusay in lagama maarmaan ay tahay
in sare loo qaado nadaafadda magaalada Muqdisho sidaasi darteedna uu maamulkiisu
wax weyn ka qabtay nadaafadda iyo soo celinta bilicda Muqdisho.
Ugu dambeyntii mudane Tarsan waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay
wax ka qabtaan nadaafadda deegaankooda isla markaana ay taageero hiil iyo hooba
leh la garab istaagaan dowladda cusub si loo gaaro horumar dhanicyo badan.