Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY Qeyb-ta 16aad
Cutubka 4-aad:- Farxadi waa naxdin.
Qeyb-ta 16aad
Markii kaftanka lagu sii dheeraaday waqtiguna isa sii gurey, ayuu soo jeed-shay inay sii baxaan labadoodu, iyana waa la garatay oo si wada jir ah ayay dukaankii isaga huleeleen, waxayna sii mareen meel mac-macaanka iyo cuntada fudud lagu iibiyo, cabitaan ayayna ka fuuqeen, wuxuuna sidoo kale meeshii ka iibiyay bac ay ka buuxaan mac-macaan kala jaad jaad ah, dhankii aqalka ay ku nooshahay ayayna u dhaqaajiyeen, markii la gaarey waxuu ka cudur daartay inuusan gudaha galeyn, ee uu mar kale u imaanayo, weliba goor ay isla gartaan oo uu ku soo talo galo si uu ugala hadlo arrimo gaar ah oo uu in muddo ahba jeclaa in uu kala hadlo iyada.
Haweeya waxay u sheegtay inuu xilli kasta oo uu dooni u imaan karo, taasna isaga waxay u noqotay mid siisa geesinimo, wuxuuna go’aan deg deg ah ku gaaray in uu balan u qabto si uu u soo af meero utuntaan keligii ku oodan ee aan lala ogeyn, wuxuuna yiri:-
= Maxaad ka qabtaa hadii aan habeenka jimcaha ah ee ina soo aadan is aragno oo aan kuugu imaado guriga?
Daqiiqado ay afka gacanta ku heysay, dhulkana eegeysay kadib waxay dhegaha ugu shubtay inay ku raacsan tahay, isna wuxuu gooyay saacadii ay isku imaan lahaayeen oo uu ka dhigay xilliga Maqribnimo, intaa kadibna wuxuu gacanta u geliyay bacdii mac-macaanku ka buuxay, wuuna nabadgelyeeyay, isagoo dib ugu ruqaansaday dhankii dukaanka.
Markii uu ku laabtay dukaanka wuxuu bartilmaameed u noqday ragii kale ee meesha joogay, kuwaasoo xifaalo iyo erayo ay isaga kaga beegsanayaan bilaabay, waxayna ku tilmaameen in uu yahay mid looga fiican yahay haasaawaha iyo la sheekeysiga hablaha, isna wuu iska difaacay, oo wuxuu ku dooday in uu yahay xariif aan looga horeyn dhankaas, sheekadaasina in muddo ah ayay socotay oo ay ku mashquulsanaayeen, kolkii dambase waa la iska xirey, oo waxay noqotay baab la laabay.
Wuxuu aad u tirinayaa maalmaha kooban ee ka harsan balanta uu la leeyahay Haweeya, xaaladiisuna waxay la meel tahay MA DHAMMAADO WAQTIGAAD SOO DHOWEYSATAAYEE, DHEERAA MUDADU, markii ugu horeysay noloshiisa ayuu u darban yahay inuu dabarka ka furo dookhiisa, oo uu gacanta u haatiyo mid ka mid ah geyaankiisa faraha badan, sida uu dherersan yahay waqtiga si aan ka dhicin oo la mid ah ayuu farshaxan ugu sawirayaa hadaladii uu ku oran lahaa Haweeya markii uu hor tago.
Mararka qaarkood wuxuu raadsadaa meel aan dadku ka arkeyn markaasuu naftiisa ku cadaadiyaa inay sii jisho wixii ay kula sheekeysan lahayd iyada (Haweeya), sidaana wuxuu u samaynayaa wuxuu og yahay inay tahay markii ugu horeysay ee ay xaaladani soo qaabisho, wuxuuna ka wadaa dadaal iyo yaan lagaa dareemin inaad tahay doob hurda oo soo hambaabirey.
Wuxuu maalmaha is xiga xisaabiyo, xilligana faraha ku tiriyo, waqtigaa baa la gaarey, habeenkii uu dherersanaana waa is keenay, saacado badan ayuu is diyaarin ku bixiyay, taasna waxay ka yaabisay Hooyo libin, waxayna ku tiri:-
= Maandhow is tirtir iyo is toos toosin badnidaa xaggee jinniyoo u socotaa oo sidaan isugu diyaarineysaa?.
Isagoo ka jawaabaya su’aasha Maamada ayuu yiri:-
= Hooyo meel jinni uma socdee waxaan ka qeyb galayaa aroos, waxaana caawa loo mashaxaradayaa saaxiibkey, anigaana u ah Milxiis.
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=
FIIRO GAAR AH:-
Qofkii u baahan qeybaha kale ee sheekada wuxuu ka daalacan karaa Qeyb-ta RA’YIGA ee isla bogan.
Add New Comment
|
|
|