Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo shalay la Kulantay Duqa Magaalada Shangahai


Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo beryahan booqasho ku joogta  dalka Shiinaha ayaa shalay booqatay xarumo kala duwan oo ku yaalla xarunta dhaqaale ee dalkaasi ee magaalada Shanghai.

Marwo Fowsiyo iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay xarunta maamulka magaalada Shanghai kula kulmeen, wada hadlna kula yeesheen duqa magaaladaasi oo ay isla soo qaadeen sidii xiriir gaar ah u dhex mari lahaa labada magaalo ee Muqdisho iyo Shanghai iyo sidii shirkadaha ganacsi ee Shanghai ay u maalgashan lahaayeen dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo duqa magaalada Shanghai ayaa isla xusay saaxibtinimadii taariikhiga ahayd ee ka dhexeysay labada dal iyo sida loogu baahan yahay in dib loo soo nooleeyo oo ay labada dalba iska kaashadaan.

Waxa kale oo ay marwo Fowsiya iyo wafdigeeda booqdeen dekadda weyn ee magaalada Shanghai iyo goobo kale oo muhiim ah isuguna jira kuwo dhaqaale iyo taariikheedba.

Wafdiga wasiirka ayaa waxa lagu wadaa in ay u gudbaan magaala-madaxda dalkaasi Shiinaha ee Beijn halkasoo ay kulamo rasmi ah kula yeelan doonaan madaxda ugu sar-sareeysa ee dalkaas oo ay ku jiraan madaxweynaha, ra'iisul-wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Shanghai.jpg

Add New Comment