Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda ee Iran oo Muqdisho soo gaaray
Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Iran mudane Cali Akbar Saalixi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayadoo ujeeddada socdaalkooduna ay tahay inay u kuurgalaan xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika.
Wafdiga reer Iran ayaa waxa gegida dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa si diirran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya mudane Cabdisamad Macalim Maxamuud.
Wafdiga ayaa waxa la filayaa inay ugu horreyn booqan doonan xeryaha barakacayaasha abaaraha, kaddibna ay u gudbi doonaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) halkaasoo ay wada hadallo kula yeelan doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Booqashada wafdigan reer Iran ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa ah mid maalmihii ugu dambeeyey aad loo hadalhayey, waxayna qayb ka tahay socdaallo ay madax fara badan oo ka tirsan dalalka adduunka ay maalmahan ku imanayeen magaalada Muqdisho, si ay indhahooda ugu soo arkaan xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ay soo barakicsay abaarta dalka ka jirta.
Dowladda Iran oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa waxa ay horey u sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqday dhaqaale dhan 25 milyan oo dollar, waxayna horey Muqdisho ugu soo dirtay dhowr dayaaradood oo sida deeqo isugu jiray raashin iyo qalab kale oo daruuri u ah nolosha qoysaska Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha barakacayaasha abaaraha ay kaga sugan yihiin magaalada.
Add New Comment
|
|
|