Maamulka gobolka Banaadir oo dib u furay qaar ka mid waddooyinka Muqdisho


Maamulka gobolka Banaadir oo beryihii ugu dambeeyey ku howlanaa nadaafadda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho ee ku xirmay dagaallada ayaa maanta furay qaar ka mid ah waddooyinka soo gala Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Waddooyinka maanta la furay ayaa waxa ay kala yihiin waddada Dabka oo isku xirta inta u dhaxeysa Isgooyska Dabka iyo Isgooyska Bakaaraha, sidoo kalena waxa ayadana la furay waddada Wadnaha oo isku xirta Isgooyska Sanca ilaa iyo Isgooyska Tarbuunka.

Waddooyinkan maanta la furay ayaa halbowle u ah isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho, waxa kale oo ay waddooyinkan muhiim u yihiin howlaha iyo ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ku xirmay dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhoweeyey howlaha ka socda waddooyinka kale ee weli xiran, ayagoona kuwa la furay aad ugu farxay, ugana mahadceliyey maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweynaha iskood isu xilqaamay ee sida mutadawacnimada u wada nadaafadda waddooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata inay kasoo kabsaneyso burburkii ay geysteen dagaallada, waxaana xaafadaha qaar la arki karaa dadweyne durba billaabay inay dayactirtaan guryahooda iyo goobaha ganacsi qaarkood, waxaana maalmihii ugu dambeeyey soo badanayey dadka kusoo laabanaya guryihii ay dagaallada awgood uga qaxeen.


Add New Comment