Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo waxbarasho looguna
tala galay barashada farsamooyinka kala duwan iyo tababarrada.
Xaruntan
oo loogu magac daray Machadka Farsamada iyo Tababarrada Soomaaliyeed
ayaa waxa hirgalintiisa iska kaashaday Midowga Afrika (gaar ahaan
AMISOM) iyo dalka Boqortooyada Denmark oo bixiyey kharajka ku baxay
dhismaha machadkan cusub.
Munaasabadda
oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa kale oo ka
qaybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda hortumarinta adeegga bulshada
mudane Maxamed Macallim, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Annadiif, saraakiil ka socotay
ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, maamulka degmada Wadajir ee gobolka
Banaadir iyo mas'uuliyiin kale.
Wasiir
ku xigeenka Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Maxamed Macallin oo khudbad ka jeediyay Hoolka ay
Munaasabada maanta ka dhacday ee Xarunta Macadkaasi ayaa mahadcelin uu u
jeediyay AMISOM iyo Cidkasta oo gacan ka geysatay Xaruntaasi waxbarasho
waxa uu sheegay in Sharaf ay u tahay in lagu wareejiyo Dowladda goob ay
wax kaga faa’ideysanayaan Dadka Degaanka iyo guud ahaan Dhalinyarada
Soomaaliyeed.
Dhinaca kale
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
oo isana Khudbad kooban goobta ayaa waxa uu u mahadceliyaya AMISOM iyo
intii ku gacan siisay hergilinta Mashruuca lagu furay Machadka Farsamada
taasi oo uu tilmaamay in Malaayiin Dhalinyaro Soomaali ah ay kaga
faa’iideysanayaan.
Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya o
hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Dhalinyarada fursada u
heshay inay wax ku bartaan in Machadkan Cusub aysan dhamaan Dhalinyarada
Soomaaliyeed u helin sidaa daraadeedana looga baahan yahay inay
fursadaasi ka faa’ideystaan.
Machadkan
Farsamada iyo Tababarka ay maanta AMISOM ku wareejisay Dowldda
Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku baxay lacag dhan 147,600 dollar
(boqol iyo afartan iyo toddoba kun iyo lix boqol oo dollar)