Geerida ra'iisul-wasaarihii Ethiopia oo la xaqeejiyey



zanawi2.jpgRa’iisul wasaarahii dalka Ethiopia ayaa la sheegay in uu gaariyooday, kaddib markii muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn loo hadal hayey geridiisa iyo dowladda Ethiopia oo ayadana dhankeeda ka beenineysay, hase ahaatee la hubiyey inuu ku xanuunsanayey cusbitaal ku yaalla qaaradda Europe.

Sida uu xaqiijiyay Talefishanka Qaranka dalka Ethiopia, waxaa geeriyooday Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Melez Zanawi oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla dalka dibaddiisa.

Melez Zanawi oo da’diisu aheyd 57-jir ayaan la shaacin cudurka uu geeriyooday, inkastoo dalka Ethiopia uu xukumayay muddo ka badan 20-sano, waxaana xilka uu ka geeriyooday Melez hadda si kumeel gaar ah u ahaya ku xiggeenkiisa Hailemariam Desalegn, ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Geerida Zanawi ayaa noqotay mid aan horey kasoo shaacbixin, inkastoo ay jireen tuhunno iyo shaki gallinayay in uu nool yahay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Melez Zanawi, maadaama tuhunnadaasi ay soo shax baxeen markii Melez laga waayay Shirarka Caalamiga ah oo uu Ururka Midowga Afrika ku yeelanayay Magaalada Addis ee dalka Ethiopia.

Ra’iisul wasaare Zanawi ayaa ahaa Saaxiibka Maraykanka uu ku leeyahay Afrika, waxaana uu si cad ula dagaalami jiray Aargigixsada, iyadoo la xusuusto in sanaddii 2006-da Ciidamada Ethiopia ay gudaha usoo galleen Soomaaliya xilligaasi oo ay meesha ka saareen Xooggagii Islaamiyiinta ahaa Maxaakiinta Islaamiga ah.


Add New Comment