Qaramada Midoobey iyo Mareykanka oo soo dhoweeyay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya



Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ayaa si isku u soo dhoweeyay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya muddo 20-sano kadib oo Baarlamaan Federaal ay yeelato Soomaaliya, kaasoo markii u horeysay lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in guul laga gaaray geedi socodka nabada, isagoo tilmaamay in Odayaasha dhaqanka iyo Gudiga Farsamada ay dadaal weyn sameeyeen sidii loo gaari lahaa guul weyn.

"Tallaabadan waxay aheyd mid taariikhi ah oo loo qaaday dhabo u gogol xaareysa ka gudbida Marxalada kala guurka Soomaaliya"ayuu yiri Augustine Mahiga.

Mahiga ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ay yihiin kuwo matalaya Beelaha Soomaaliyed, kuwaasoo uu xusay inay yihiin Xildhibaano aqoon iyo karti lagu soo xulay sida uu yiri.

Sidoo kale War ka soo baxay Aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhaarinta Baarlamaanka cusub, iyadoo looga digay shaqsiyaadka carqaladeynaya hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Afhayeenada Aqalka Cad ee Mareykanka Jay Carney ayaa sheegay in lagu soo daro xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka, sida ugu dhaqsiyaha badan, si loo ambaqaado howlaha hor-yaala Baarlamaanka cusub.

Haweeneydan ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in la fara geliyo geedi socodka nabada Soomaaliya, iyadoo ku boorisay dhinacyada siyaasada Soomaaliya, inay si cadaalad ah uga shaqeeyaan sida looga gudbayo xilliga KMG ah.

Baarlamaanka cusub ee shalay la dhaariyay ayaa waxaa uu ka kooban yahay 211-xubnood, iyadoo ay ka dhiman yihiin 64-mudane oo ay ku jiraan Liisas ay dib u celiyeen Gudiga farsamada, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay dambiyo galeen.

Add New Comment