Iiraan oo dayaarad gagaar sida u soo dirtay Muqdish
Dayaarad sida gargaar dhan 39 ton oo isugu jira noocyada raashinka oo ka timid dalka Iiraan, looguna talagalay in la gaarsiiyo dadka barakacayaasha ee ku sugan xeryaha magaalada Muqdisho ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka dayaaradah Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Noocyada raashinka ay dayaaraddani sido ayaa sida la sheegay waxa uu ka kooban yahay digir iyo rooti nafaqeysan, mas'uuliyiintii reer Iiraan ee dayaaradda la socday ayaa isla markii ay soo caga dhigteen garoonka waxa ay gargaarkii ay sideen ku wareejiyeen xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ayagana dhankooda sheegay inay dhowaan raashinkaasi gaarsiin doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xeryaha ku yaalla gudaha iyo hareeraha magaalada.
Iiraan ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka muslimka ah ee sida gaarka ah isha ugu haaya xaaladda adag ee ka taagan dalka Soomaaliya, waxayna horey ugu yabooheen lacag malaayiin dollar ah oo ay ugu talagaleen wax ka qabashada abaarta ka jirta Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhowaan la filayaa in wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Iiraan uu booqasho ku iman doono magaalada Muqdisho.
Add New Comment
|
|
|