Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda


Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaarada Tababar ku saabsan Maamul dhisida iyo Dib u heshiisiinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha gudaha, gacanka ay ka geysatay Hey'adda CRD ayaa muddo saddex maalmood socday, iyadoo shaqaalaha lagu baray habka maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.

Qaar ka mid ah shaqaalihii ka faa'ideystay Tababarkan ayaa sheegay inay kororsadeen qaabka loo wajaho habka maamul dhisida, dib u heshiisiinta iyo nidaamka federaalka ee ku dhisan habka maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa ku amaanay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegeen mudadii uu socday, kana kororsadeen khibrado iyo casharadii ay ka jeediyeen khubaradi wax ka waday Tababarka.

Mr Guuleed ayaa sheegay in tababarkan uu lahaa afar muhiimadood oo gaar ah, kuwaasoo uu ka xusay in ugu horeyn loo baahan yahay in habka maamul dhisida degmooyinka iyo gobolada in qofka wax ka noqonaya inuu xubin ka soo noqdo golaha deegaanka, kadibna u gudbo heer gobol, isla markaana ay soo dooranayaan Gudoomiyaha golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan la guda geli doono qorshaha maamul u sameynta degmooyinka, isla markaana loo gudbi doono heer maamul goboleed, waxaana uu ugu baaqay dadka siyaasiyiinta inay olole u galaan deegaankooda sidii looga soo dooran lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa uga mahadceliyay Tababarkan Hey'adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD iyo Hey'adda CDI oo tababarkan ka qeyb qaadatay.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay shaqaalihii Wasaarada ee Tababarkan ka faa'ideystay, kana kororsaday aqoon la xiriirta habka maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.


Add New Comment